Theme Support

Need our help to upload or customize this blogger template? Contact me with details about the theme customization you need.

Sawirro : kulan dhaqaale loogu uruurinayay dadkii ay saameeyeen Duufaanihii Chapala iyo Megh ee Gobolka Gardafuu ku dhuftay Oo Boosaaso Lagu qabtay

Kulankan oo lagusoo bandhigayey khasaarihii ay geysatey dufaanihii Chapala iyo megh ee ku dhufatay Gobolka Gardafuu intii u dhexeysay 3 ilaa 8 bishii 11 – 2015 islamarkaana dhaqaale loogu ururinayey dadkii ku hantibeelay duufaantaasi
Waxaana Kulankaasi lagu qabtay Hotelka Bootan Ee Magaaladda Bosaso, waxaana soo qabanqaabiyey Gudiga loo saaray dadkii iyo jidadkii ku waxyeeloobey duufaantii ku dhufatay Gobolka Gardafuu taasi oo goysay labo wado oo hal bowle U Ah gobolkaasi , waxaana ku hanta belay dad shacab ah.
Munaasabada ayaa waxaa kasoo qayb galay Beeldaajha calbari Beeldaaje ismaaciil Beeldaaje yaasiin ,Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu, Gudiga dhaqaale Uruinta ee loo saaray dhibaatadii ay geysatey dufaantu, Waxaana Ku sugnaa Odoyaal iyo waxgarad, Iyadoo baaq loogu diray Maamulka Puntland iyo jaaliyada kala duwan ee Puntland iney dhaqaale ku bixiyaan sidii loogu Gurmadi lahaa wadooyinka ay duufaantu saameysay,Iyadona kulankan lagu soo bandhigay dhaqaale ay soo direen jaliyada Puntland ee Qaaradda Yurub, taasi oo wax loogu qabanayo wadooyinkii go’ay iyo dadkii ku hantabeeelay gobolka Gardafuu.
Axmed Ciise Cumar Gudoomiyaha Gudiga Dhaqaale Ururinta duufaantii kudhufatay Gobolka Gardafuu oo munaasabada ka hadlay ayaa faa faahin ka bixiyey duufaantii Chapala iyo khasaarihii ay geysatey waxaa uuna soo bandhigay dhaqaale ay ku deeqeen Jaaliyadaha kala Duwan ee Puntland.
Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdulaahi Cali Ciid ayaa si adag uga hadaly khasaarihii ay geysatay Duufaanta waxaa uuna xusay inay Wax laga Xumaado Tahay in Xukuumadda Puntland iyo shacabkeedaba Ay fiirsadaan shacabka gardafuu Oo Dhibaatadu Heysato.
Gabagadii Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu c/qaadir Iidii oo munaasabada soo xiray ayaa xusay in loo baahanyahay in la caawiyo dadka ku go”doonsan gobolka Gardafuu, xili gebi ahaanba uu joogsaday isu socodka gaadiidka dhulka ee gobolka Gardafuu
Duufaanihii chabala iyo Megh ayaa gobolka Gardafuu ku dhufatay intii udhexeysay 3 ilaa 8 bisha 11 iyadoona saamaysay wadooyin hal bowlaha u ah Gobolka Gardafuu taasi oo aan ilaa iyo hada waxba lagaqaban,
DAAWO SAWIRADA :

Produk Kami Lainnya :

 
ibs(idblogsite)