Theme Support

Need our help to upload or customize this blogger template? Contact me with details about the theme customization you need.

Madaxda Puntland iyo Galmudug oo heshiis nabadeed kala saxiixday”Sawiro”

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhow qalinka ku duugay heshiis nabadeed oo lagu soo afjaryo colaada ka taagneyd magaalada Gaalkacyo, kadib kulan ka dhacay garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo hogaaminayay heshiiska nabadeed, iyadoo ay qeyb ka ahaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland, Koofur Galbeed, Guddi Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa isku gacan qaaday shirka intii uu socday, iyagoo saxiixay nuqulada heshiiska nabadeed ee ay labada dhinac wada gaareen, isla markaana warqadaha is dhaafsaday.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiskan, isla markaana uu yahay mid taariikhi ah oo horseedaya nabad iyo xasilooni, isagoo xusay inuu ka shaqeyn doono sidii ciidamada loo kala qaadi lahaa.

Madaxda Puntland iyo Galmudug ayaa iyana sheegay inay dhaqan gelinayaan heshiiska, isla markaana ay soo dhoweynayaan, iyagoo ka mahad celiyay dadaalada ay wadeen dowladda Federaalka, Madaxda Maamul goboleedyada iyo xubnaha ka socday beesha Caalamka.

Heshiiskan ayaa ka kooban illaa afar qodob oo kala ah, In Xabadda la joojiyo, in la kala qaado ciidamada, lana geeyo meelihii ay horay u joogeen, in la soo celiyo dadkii ka barakacay dagaalada iyo in la magacaabo Guddi labada dhinac, ayna xubno ka yihiin dowladda Federaalka, maamul goboleedyada, kuwaasoo ka wada hadlaya wixii dhacay.

Shirka ayaa haatan loo baxay qado, waxaana la filayaa in labada dhinac ay guda galaan kala qaadista Ciidamada is hor fadhiya, iyadoo dadka reer Gaalkacyo ee u barakacay duleedkeeda iyo deegaanada kale ay aad dhegta ugu taagayeen heshiiska nabadeed.



PUNTLANDTRUST

Produk Kami Lainnya :

 
ibs(idblogsite)