Theme Support

Need our help to upload or customize this blogger template? Contact me with details about the theme customization you need.

Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Buuralayda Galgalo

Dagaalyahanada kooxda Alshabaab ee fariisinkoodu yahay buuraha Galgala ayaa labo garab ukala jabay, kadib markii koox iyaga kamid ah ay ku biireen ururka Daacish.

Labadaan garab ayaa waxaa kala hogaaminaya Yaasiin Cali Kilwe oo ah hogaamiyaha Alshabaab ee Galgala iyo Sheekh Cabdiqaadir Muumin oo dhawaan ku dhawaaqay inuu ku biiray ISIS.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan heleyno ayaa sheegaya inuu dagaal kharaar buuraha ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan labada garab, halkaasi oo ay ku awood roonaadeen garabka taabacsan kooxda Alshabaab.

Dagaalyahanada Daacish ayaa firxadkooda waxay usoo carareen dhinaca miyiga degmada Qandala, halkaas oo horey loogu tuhunsanaa inuu degenyahay hogaamiyahooda Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Saraakiisha ugu sareysa Alshabaab ayaa dhawaan sheegay inay ka hortagidoonaan cid walba oo iskudayda inay kala qeybiso dhaq dhaqaaqooda jihaadiga ku saleysan ee Soomaaliya, waxayna horey u khaarijiyeen saraakiil ku biiri lahaa Daacish.

Sidoo kale, ururka Daacish ayaa warbixin ay soo saareen waxay ku eedeeyeen Alshabaab inay Soomaaliya ka dileen lix sarkaal oo uroorkooda katirsanaa.

SHANAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari

Produk Kami Lainnya :

 
ibs(idblogsite)