Theme Support

Need our help to upload or customize this blogger template? Contact me with details about the theme customization you need.

Gudoomiyaha Degmada Baargaal ”Qurba joogtu Cadaab bey ku jiraan,dalka ha yimaadaan” Dhagayso

Duqa degmada Baargaal Abokar Axmed Yuusuf oo waraysi siiyay Puntland Post ayaa ka hadlay xaalada degmada sida Kalluumaysiga Sharci darada ah iyo is-badalka ka muuqda magalada. Waxa uu sheegay inaysan waxba ka qaban karin jariifka xoogan ee lagu hayo xeebta degmada, wuxuna sheegay inaysan shaqo badan ka jirin badda oo ay iska xaraysan yihiin doonyihii ka shaqayn jiray, sidoo kale waxa uu sheegay abokor inuu xumaaday xiriirkii Ganacsi ee kala dhaxeeyay dalka Yaman, ka dib markuu dalkaasi ka bilowday dagaalo sokeeya.

Dhinaca kale waxa uu sheegay mudaddii uu xafiiska joogay inay xooga la saaray sidii loo tayayn lahaa waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha, waxa uu rajo ka muujiyay in Baargaal laga sameeyo Jaamacad si loo dhamaystiro baahiyaha xaga aqoonta ee weli taagan.

Duqa Baargaal ayaa ka mid ah Qurba Joogta Puntland ee wadanka Sweden, wuxuna sheegay inuu maalgalin ku sameeyay Baargaal, isla markasna looga baahan yahay Qurbajoogta inay dalkooda kusoo laabtaan oo horumarkiisa ka shaqeeyaan.

Halkan ka dhagayso waraysi Abokar Axmed Yuusuf siiyay Puntland Post.

PUNTLANDTRUST.COM
News and information you can trust
puntlandtrust@gmail.com

Produk Kami Lainnya :

 
ibs(idblogsite)