Theme Support

Need our help to upload or customize this blogger template? Contact me with details about the theme customization you need.

Mid kamid ah Dalalka Afrika oo laga mamnuucay in Haweenka xirtaan Dharka gaa gaaban ama dharka ku dhagan

Haweenka u dhashay dalka Swanziland, ayaa lagaga mamnuucay xirashada dharka gaagaaban iyo maryaha ka jirkooda muujinaya, iyadoo go?aankaasna dawladdu ku sheegtay inuu yahay mid lagu yaraynayo dhibaatooyinka kufsiga.

Ciidammada booliiska Swanziland oo ah dalka keliya ee nidaamka boqortooyadu ku dambaysay qaaradda Afrika, ayaa xannibaadan ku soo rogay haweenkooda, kuwaasoo lagu wargeliyey in tallaabo sharci oo xabsi lagu mutaysanayo laga qaadi doono dumarka lagu arko iyagoo xiran dhar gaagaaban amma jidhkoodu ka muuqdo.

Booliska dalkaas ayaa bishii la soo dhaafay xabsiga u taxaabay haween dhallinyaro ah oo ku nool caasimadda Manzini, kuwaasoo dhar ku dhegsan dibadda ugu baxay, isla markaana ku dooday inay doonayaan xuquuqdooda shaqsiyadeed.

Waddanka Swaziland waa dal kufsigu aad u sarreeyo, waxana saddex meelodow laba meelood ka mid ah haweenka dhallinyarada ah ee dalkaas lagula kacaa xadgudubyo jinsi, sida lagu shaaciyey warbixin lagu daabacay wargeyska South African Indenpendent Online.

?Waa la xiri doonaa haweenka sharcigan ku xadgudba, sababtoo ah dharka dhegsan amma gaagaaban waxay dhiirrilinayaan, sidoo kalena fududaynayaan in gabdhaha la kufsado, maxaa yeelay waxa fududaanaysa in si fudud loo weeraro haweenka xiran, mana dhiirrigelinayno in dumarka la waxyeelleeyo, balse waa in dadku arrinkan u hoggaansamaan.? Sidaa waxa yidhi yidhi afhayeen u hadlay ciidammada bilayska oo magaciisa la yidhaa Wendy Hleta.

Waxa kaloo Mr. Hleta uu sheegay in ay hablaha iyo dumarka la qababa u wanaagsan tahay xidhashada dharka jidhkooda asturaya, taas oo uu ku tilmaamay mid karaamadooda kor u qaadaysa.


banaadir info

Produk Kami Lainnya :

 
ibs(idblogsite)