Theme Support

Need our help to upload or customize this blogger template? Contact me with details about the theme customization you need.

Gabar u dhalatey Dalka Holland oo lagu darey liiska argagaxisada aduunka + warbixin

Gabar u dhalatey dalka Holland ayaa waxaa la sheegay in lagu darey liiska argagaxisada aduunka iyadoona uu dalkaas Mareykanku uu baadi goob ugu jiro gabadhaas ka dib markii ay gabadhaas ku biirtey jabhada ka dagaalanta dalka Colombia. 
Gabadhaan oo lagu magacaabo Tanja Nijmeijer oo 34 sano jir ah una dhalatey dalka Holland islamarkaana ah aqoonyahanada ka qalin jabisay jaamacad ku taal dalka Holland ayaa waxaa la sheegay in ayaa waxaa la sheegay inay in ka badan 10 sanadood ay ka bar bar dagaalamaysay jabhada lagu magacaabo FARC oo ah jabhad dagaal kula jirta dowlada dalkaas Colombia iyadoona ay gabadhaas ay ilaa iyo xilligaas ay ku jirto duurka jungulka ah ee dalkaas islamarkaana ay dagaal kula jirto ciidamada dalkaas Colombia, gabadhaan oo ka hadleysay sababta ay ugu biirtey jabhadaas ayaa sheegtay inay dowlada dalkaas ay xaqdaro kula dhaqanto dadkeeda islamarkaana ay dad gooni ah ay ka faa'iidaan qeyraadka dalkaas halka ay qeyb badan oo ka mid ah dadka reer Colombia ay ku nool yihiin nolol liidato iyo gaajo, gabadhaan oo markii hore u tagtey dalkaas inay luqada ingiriiskaa ka dhigto dalkaas ayaa markey ku soo laabatey dalka Hollland waxay sheegtay inay dareentay dhibka ka jirey dalkaas, Gabadhaan oo u adeegeysay jabhadaas oo markii hore ka fulin jirtey qaraxyo caasimada dalkaas ee Bogota ayaa ka dib u baxsatey duurka oo ay hada ka dagaalanto, gabadhaan oo wareysi siisay sanadkii 2010 weriye reer Colombia ah ayaa sheegtay inay wadeyso halgankaas ilaa ay guul ka gaaraan ama ay ku dhimato iyadoo ku jirto halgankeeda.

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas ay ku jirto liiska argagaxisada aduunka oo uu dalkaas Mareykankuna baadi goob ugu jiro asagoo la xiriirinaayo inay ku lug lahayd gabadhaas 3 qof oo u dhashay dalkaas Mareykanka oo ay jabhadaas afduub u geysteen, Gabadhaan oo door weyn uga jirto halganka kooxdaas ayaa waxay dhawaantaan u wakiisheen inay ka mid noqoto wafdiga uga qeyb galaayo wadahadal dhexmaareyey dowlada dalkaas iyo jabhadaas, Laakiin wadahadlkaas oo qeybtiis hore ay ka dhaceen magaalada Oslo ee dalkaas Norway ayey gabadhaas Hollaandeeska ay ka baaqsatey iyadoo ka baqday in lagu qabto wadankaas Norway laakiinse wadhadalka qeybtiisa labaad oo ka dhacay magaalada Hvana ee dalka Cuba ayey gabadhaas ku jirtey wafdiga ka socday jabhadaas iyadoona gorgorten iyo dood ku saabsan sharuudahooda hor dhigtey wafdigii ka socday dowlada dalka Colombia, gabadhaan ayaa xilligii ay ku sugneyd dalka Cuba waxay xiriir la soo sameysay waalidkeed iyo ehelkeedii kale ee ku noolaa dalka Holland oo ay mudo dheer kala war helin. 

Produk Kami Lainnya :

 
ibs(idblogsite)