Theme Support

Need our help to upload or customize this blogger template? Contact me with details about the theme customization you need.

Al-shabaab oo shacabka Soomaaliyeed u fasaxay in ay hubka qaataan ayna dagaal galaan.

Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka Soomaaliya, marar badanna sheegatay falal dad badani wax ku noqdeen oo ka dhacay dalalka geeska Afrika ayaa waxa ay xilligaan fasaxeen in Shacabka Soomaaliyeed ay hubkooda qaataan, kadib waqti dheer oo Shabaabku aysan ogoleyn xitaa in Tooreey laqaato.

Gudoomiyaha Al-shabaab u xilsaaran gobalka Banaadir, Sheekh Cali Jabal, ayaa waxa uu hadalkaan sheegay isaga oo si gaar ah hadalkaan ugu jeedinayay shacabka Magaalada Muqdisho, waxa uuna sidoo kale ku booriyay shacabka in ay dagaal kala hor tagaan dowlada Soomaaliya iyo ciidamada Shisheeye ee AMISOM.

Sheekh Cali Jabal waxa uu kuyiri, "Shacabka Muqdisho halasoo baxaano hubka u duugaan oo yeysan Shabaab hub kasugin, waana ognahay in ay hub heestaan hana ladagaalamaano Cadowga iyo daba dhilifyada".

Al-shabaab ayaan lagu aqoon in shacab ay u ogolaadaan hub ay qaataan, waxaana jirtay in goobaha Shabaabku ka taliyaan aan lagu arki jirin ruux xiran kara Tooreey in qora uu wato isaka daaye, waxaana lagu macneynayaa hadalka kasoo yeeray Shabaabka in uu yahay mid Shaati cusub loogu gelinayo halgankii Shabaab maadaama inta badan looga guuleestay gobalda dalka Soomaaliya oo dhan.

Al-shabab maalin kahor waxaa lagala wareegay saldhig ciidan oo ay kulahaayeen degmada Deyniile oo ay uga soo duuli jireen Muqdisho inteeda kale sida ay xaqjiijiyeen saraakiisha ciidamdada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Urur diimeedka Shabaab ayaa waxa ay in badan ka talinayeen bartamaha iyo koofurta Soomaaliya waxa ayna lahaayeen sharciya lagu ciqaabayo shaqsigii aan iyaga katirsaneyn dagaalamayaashooda oo lagu ogaado in uu hud heesto.


Banaadir info

Produk Kami Lainnya :

 
ibs(idblogsite)