Wararka laga helaayo Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in maanta ay ka
soo degtay Diyaarad hub iyo saanad Ciidan u sida Galmudug.
Shixnadan hubka iyo saanada dagaal ayaa maamulka Galmudug uga timid magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Magaalada Cadaado ayaa ah halka lagu dhisay maamulka Galmudug oo madaxweyne Xasan sheekh iyo kooxda sida weyn garabka midig ah ee damujadiid ku yagleeleen Maamulka Galmudug oo muran iyo xiisad weli taagan ka dhex abuuray dhismaha Gobol iyo Nuska ah ee Galmudug, taasoo Puntland ku tilmaantay mid aan sharciga federaalka waafaqsaneyn.
Waxaa hadda ka aloosan deegaanka Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo dhiilo colaadeed iyo saan saan dagaal oo laga cabsi qabo inay xabadu saacad walba faraha ka bixi karto oo dagaal culus dhexmaro Puntland iyo Galmudug.
PUNTLANDTRUST.COM