Maamulka Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir ayaa faahfaahin ka bixiyay carruurtii la geeyay sitimaankii ugu dambeeyay ee uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.
Drs Luul Maxamuud Maxamed oo ah madaxa isbitaalka hooyada iyo dhalaanka oo la hadashay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sitimaankii la soo dhaafay isbitaalka la geeyay in ka badan 100 carruur ah kuwaas oo uu soo ritay cududrka shuban biyoodka.
Madaxa Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ayaa intaasi ku dartay in qaar ka mid ah caruurtaasi dib loogu celiyay guryahoodi kadib markii la daweeyay waxa ayna xustay in isbitaalka uu shacabka ugu adeego si lacag la’aan ah.
Dhanka kale Drs Luul ayaa ka hadashay faa’idada uu leeyahay talaalka carruurta kaas oo haatan si toos ah uga socda magaalada Muqdisho waxa ayna xustay in uu faa’ido u leeyahay carruurta ay da’dooda ka yartahay shanta sano iyadoo ugu baaqday waalidiinta in ay ku dadaalaan talaalka carruurta.
banaadir info